Golaha Baarlamaanka JFS ayaa la filayaa in berri ay ka doodaan ansixinta xubnaha Guddiga adeega garsoorka Dalka

Date:

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa berri oo isniin waxa ay kulan weynaha golaha ku yeelan doonaan xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Golaha ayaa waxaa ay doodi doonaan ajandayaaasha kala ah.

U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Ajandaha kale ayaa ah akhrinta sedexaad ee hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha maadaama uu waqtiga u aharay golaha uu gabaabsi yahay lagana rabo in la dhameystiro howlaha horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...