Golaha deegaanka Xudur oo warbixin ka dhageystay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha Guud ee DG K/galbeed.

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud,dib u dhiska iyo guryeynta Dowlad goboleedka K/galbeed Yuusuf Wadani ayaa warbixin ku saabsan shaqada Wasaaradda siiyay golaha deegaanka degmada Xudur oo uu kula kulmay degmadaasi.

Sidoo kale, xubnaha golaha deegaanka ayaa agaasimaha Su’aalo ka weydiiyay qorshaha wasaaradda uu soo bandhigey iyo daadejinta adeegyada Wasaaradda ay bixiso.

Dhowaan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka Konfur galbeed waxay ansixiyeen sharciga dhulka oo ay soo diyaarisey wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Koonfur galbeed oo hadda horyaala Baarlamaanka, kaas oo looga fadhiyo in ay meel mariyaan, ansixinta sharciga ka dib waxa la sameyn doonaa guddiga maamulka dhulka oo xarun looga dhisayo degmada xuddur.

Markii uu soo dhammaaday shirka golaha deegaanka waxa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Agaasimaha wasaaradda Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryenta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Yuusuf Wadani.

Iyadoo la fulinaayo awaamiirti madaxweynaha maamulka K/galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taas oo ahayd in dhammaan adeegyada wasaaradda ay bixiso la daadajiyo lana gaarsiiyo min gobol ilaa tuulo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...