Bulshada Boondheere oo codsaday in dib loo furo ilaha biyo mareenada magaalada+(SAWIRRO).

Date:

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo culimaa’udiinka ku nool Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Banaadir inay ka shaqeeyaan sidii loo furi lahaa ilaha biyo Mareenada ah ee xilligii hore ku shubi jiray biyaha roobka badda kuwaasi oo xilligan xiran

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii roobkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho uu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, ayna ku xirmeen waddooyin qaar oo biyuhu ay fadhiisteen waxaana fatahay bulaacadaha ku yaala gobolka banaadir qaarkood sida bulaacadda Warta bondheere oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheerer, isla markaana go’doomiyay qaar ka mid ah shacabka

Guddomiye ku-xigeenka Siyaasadda Degmada Boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa sheegay in xaafado ay ka midyihiin buule maqaareed iyo kuwa kale ay go’doomiyeen fatahaadda Warta Boondheere, isagoo xusay in ay wadaan dadaallo arrintaas wax looga qabanayo.

Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay inta badan shacabka magaalada kaddib markii ilaha biyo mareenada ay xirmeen, taasi oo keentay in meelo badan oo caasimadda ka mid ah ay biyo fadhiisad ka sameysteen kuwaasi oo hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...