Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheyta JFS oo ku Biiray Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Aduunka.

Date:

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Adduunka (WAIPA) oo ay ku bahooben in ka badan 170 hay’adood oo dhiirigeliya maalgashiga oo ku kala yaal 130 dal.

WAIPA ayaa ka cawinta hay’adaha dhiirigelinta sidii aay sare ugu qaadi lahayeen karaankooda ku aadan dhiirigelinta maalgashiga, sidii hay’aduhu isu dhaafsan lahayeen khibradaha dhiirigelinta maalgashiga iyo in sidi Dowlahda looga cawini lahaa hagaajinta iyo casriyeynta guud ahaan jawiga maalgashiga.

Sidoo kale, WAIPA waxa ay sare u qaadeysa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dhiirigelinta maalgashiga dunida isla markaasna u diyaarinaysa doodo iyo cilmi-baaris ku aadan hannaanka dhiirigelinta maalgashiga.

“Waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ku howlan dhiirigelinta maalagshiga waddanka Soomaliya. Waxaan, si gaar ah, ugu mahadcelinaya intii gacan ka geysatay gaarista hiigsigan ku biirista hay’addan caalamiga ah sida howl-wadeennada Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga” ayuu yiri Mohamed Dubo, Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST).

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomalaiya ayaa ku howlan soo jiidashada iyo hanashada maalgashi shisheeye si sare loogu qaado jawiga maalgashi ee dalka, loo dhaqan geliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka isla markaana loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...