Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo Kulan Wacyi galin ah u Qabatay Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika+(SAWIRRO).

Date:

Hay’adda Culumada Al-Bayaan ee Pretoria ayaa kulan u qabatay Madaxda Safaaradda iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Dalka Konfur Afrika waxaana loogu hadlayay isku xirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pretoria iyo Safaaradda.

Kulankan oo ahaa mid is xog wareysay ayaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka Jaaliyadda gaar ahaan bilaha November iyo December ee sanad dhamaadka waana xilliyada ugu badan dilalka iyo dhac loogu geysto ganacsatada Soomaalida tuulooyinka dalkaasi.

Waxgaradka iyo Ganacsatada ka hadlay kulankan waxa ay Madaxda Safaaradda ka codsadeen inay ka caawiso dhibaatooyinka xagga Waxbarashada dhallaanka soo koraya, Cisbitaalada oo hooyooyinka qaarkood cabasho ka muujiyeen iyo Sharciyada.

Danjire Maxamed Cali Mire ayaa ugu mahadceliyay Culumada Al-Bayaan kulankan ay u qabatay Safaaradda iyo Ganacsatada magaalada Pretoria, waxa uu Danjiruhu ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan xiriirka Dowladda K/Afrika iyo Ganacsatada isagoo dhan kale ka codsaday ganacsatada inay dhistaan Jaaliyad isku xiran.

Intii uu kulanka socday waxaa jiray su’aalo ku saabsan adeegyada ay bixiso Safaaradda dadkii kasoo qeybgalay qaarkood ,waxaa ayaa lagu ballamay in la joogteyn doono kulamada noocani ah ee isku xirka Jaaliyadda Pretoria iyo Safaaradda.

WD:C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...