Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe “Dhallinyarada wax-baratay waxaa idiin baahan deegaankiina, annaguna waan idin soo dhaweyheynaa”.

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen in guulo taariikhi ah laga gaaro doorashooyinkii Hirshabeelle oo uu sheegay in si nabdoon ay ku dhaceen.

Madaxweynaha oo ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii adkeed ee ay isku howleen muddadii ay soctay doorashada Hirshabeelle ayaa sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle balse isku tashi ay sameeyeen Hirshabeelle iyo dowladda dhexe lagu gaaray doorasho xasiloon oo ka dhacday Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay si looga faa’ideysto aqoontooda oo deegaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.

“Qof walba fikirkeeda iyo taladeeda waan tixgelin doonaa,gaar ahaan dhallinyarada waxbaratay,waxaa idiin baahan dadkiina, waxaa idiin baahan deegaankiina,annaguna waan idin soo dhaweyheynaa,wixi talo ah oo aad noo soo jeedisaan aan qaada doonaa,dadkiina iyo dalkiina ayaad wax u barateen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormara oo barwaaqo iyo amni ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo...

Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay...

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...