Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Qaabiley Wefdiga Wasiirka Haweenka Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, ahna afhayeenka baarlamaanka, mudane Cali Saciid Fiqi iyo Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta ka wada hadlay sida ugu habboon oo lagu xaqiijin karo, qoontada siyaasadeed ee dumarka oo ah 30%, ka dib markii  uu xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya,  oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, ayaa guddoomiyaha la wadaagtay u jeeddada socdaalkooda oo ah ilaalinta kuraasta dumarka ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda, iyadoo xustay, in ay aaminsan tahay in maadaama haweenku, tiro aad u badan ka yihiin bulshada Soomaaliyeed, in ay waajib tahay in door ku yeeshaan gollaha baarlamaanada dalka.

Wasiir Xaniifa, waxay sidoo kale, adkeysay, sida lagama maarmaan u tahay, maadaama haweenku yihiin dadka uu sida weyn u saameeyo shuruucda dalka loo soo saaro in ay door muhiim ah ka cayaaraan dejinta sharciyada wadanka.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade), wasiirka haweenka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maamulka Koofur Galbeed ku amaanan yahay, sida uu u qiimeeyay haweenka oo si weyn uga dhex muuqda golliyaashooda, marka loo barbar dhigo maamulada dhiggooda ah.

Cali Saciid Fiqi, afhayeenka baarlamaanka Koofur Galbeed, ayaa soo dhoweeyay wefdiga wasiirka haweenka, isagoo xusay in Koofur Galbeed markii horeba ay hormuud u aheyd u ololeynta horumarinta haweenka Soomaaliyeed agaar ahaan dhanka siyaasadda.

Waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed sidii horeyba caanka ugu ahaayeen.

Wasiirka haweenka Soomaaliya Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa hadda wadda olole loogu magac daray u qareemidda haweenka ee arrimaha siyaasadda gaar ahaan xaqiijinta qoontadad dumarka ee ah 30%.

Wefdiga wasiirka ee Baydhabo soo gaaray waxaaa kamid ahaa xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo Xildhibaan Aamina Xasan Cali oo ka tirsan gollaha Shacabka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...