Dawladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedyada ka socda gobollada dhexe.

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Mahadi ayaa oo ku hadlayay magaca dowladda federaalka soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’’iisul wasaare ku xigeenka dalka waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneed colaado sakeeyo isla markaana nabad ay kuwada noolaadaan dadka walaalaha ah ee wada dega ./

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) waxaa kaloo uu sheegay in shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada ay ka mid aheyd wax yaabaha looga hadlay dagaalada kasoo cosboonaaday dalka isla markaana dowlad goboleedka Galmudug ay dowladda dhexe kala shaqeyneyso sidii loo xalin lahaa.

“Dagaalka waxaa ka wanaagsan dadka inay ka shaqeeyaan walaalnimada ,is aqbalaada iyo wada noolaashaha waayo dagaalka waxa uu saameeyay dad badana oo aan waxba galabsan marka waxaan ku baaqeynaa in dagaalka la jooiyo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) waxa u uku cel celiyay in isaqbalaada iyo walaalnimada ay ka wanaagsantahay dagaalka micnaha aan ku jirin kaasi oo saameeyay dad badan oo aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...