Safaarada Boqortooyada Sacuudiga ay ku leedahay Dalka Holland oo Weerar Rasaas ah lala beegsaday.

Date:

Rasaas ayaa lagu furay dhismo ay ku taalo safaarada Sacuudiga uu ku lee yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Boolisku waxay sheegeen in aanay cidna wax ku noqon islamarkaana ay wadaan baaritaanka ku saabsan cida ka danbeysay iyo sababta.

Saxaafada gudaha ee Holland ayaa sheegtay in 20 xabo lagu dhuftay dhismaha oo daaqadaha ay ka muuqdaan duleelka ay rasaastu sameysay.

Safaarada Sacuudiga wali arintan kama hadlin

Falkan ayaa imaanaya maalin kadib markii garneylka gacanta lagu weeraray qabuuro ay ku duugan yihiin dadka aan muslimiinta ahayn oo ku yaala magaalada Jeddah ee dalka sacuudiga.

Weerarkaas oo dhacay xili la xasuusanayay askartii ku dhimatay dagaalkii labaad ee aduunka ayaa booliska Sacuudiga ku tilmaameen mid argagaxiso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...