Qaramada Midoobay iyo Dowlada Suudaan oo iska kaashanaaya gargaarida dadka kasoo cararay colaada Itoobiya.

Date:

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay kala shaqeyneyso Xukuumada Suudaan sidii loogu gargaari lahaa in ka badan 7 kun oo qaxooti ah kuwaasi oo kasoo carartay colaadaha ka jira gobalka Tigreega ee dalkaasi Itoobiya.

Dalka Suudaan oo xuduud la wadaaga dalka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku qulqulaayay dad fara badan oo kasoo qaxay dagaalka u dhaxeeya Jabhadda Xoreynta Tigreega iyo Ciidamada Itoobiya.

Afhayeen u hadlay UN-ka ayaa sheegay in dowladda Suudaan iyo Qaramada Midoobe ka shaqaynayaan sidii loo diiwaan gelin lahaa dadka kasoo qaxay Itoobiya si loo gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

Afhayaenka ayaa kula dardaarmay dowladaha deriska la ah Itoobiya inay xuddoodahooda u furan dadka kasoo cararaaya dagaalada si loo badbaadiyo dadka rayidka ah.

Dowladda Suudaan ayaa hore ugu baaqday beesha caalamka in loosoo gurmado dadkaan soo qaxay, iyadoo sheegtay in tiradu maalin ba maalinta ka danbeysa sii kordhayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah...

Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac...