Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo Ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...