Dowlada Ruushka oo bilowday geynta ciidamo nabad ilaalineed Gobolka lagu muransanyahay ee Karabaakh.

Date:

Wasaraadda difaaca ee Dalka Ruushka ayaa sheegtay in ciidamo nabad ilaalineed ay u dirtay Gobolka ay isku Hayaan Dowladaha Azrebijaan iyo Armeeniya waayadii danbe ee Karabaakh.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka amba bixi doona dalka Armeeniya iyagoo jari doona masaafo dhan 250km, waxaana hubkooda iyo qalabkooda kale loogu daabuli doona diyaarado.

Soo daad gureynta ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ayaa imaaneysa kadib markii Dowladaha Azerbijaan iyo Armeeniya ay kala saxiixdeen heshiis talaadadii lasoo dhaafay.

Wasiirka gaashaandhiga Armeeniya Davit Tonoyan ayaa uga mahadceliyay Ruushka soo diridda ciidamo nabad ilaalineed.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada nabad ilaalinta ee karabaakh la geynaayo ay tiradoodu dhantahay 1960 asgari oo heysta qalab ciidan oo dhamaystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...