Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay in garab lagu siiyo dhawaaqay inuusan awood uheynin saameynta roobka ka da’ay Caasimada+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqay in dowladda hoose ee Xamar aysan ku filneen xal u helida saameynta ka dhalatay Roobabka ka da’ay Caasimadda.

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Salaax Cumar (saalax dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda hoose aysan awoodeeda ku filneen xaalada ka dhalatay saameynta roobabka isdaba jooga ah ee ka da’ay caasimada waxaana shacabka Soomaaliyeed dowladda dhexe iyo beesha caalamka ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii wax looga qaban lahaa xaaladan.

Afhayeen waxaa uu sheegay in bankiga aduunka uu dowladda hoose Xamar u balan qaaday 37 milyan oo lagu kabayo dib u-dhiska goobaha biyo mareenada si loo furo goobahii xirmay waxaana maamulka gobolka banaadir uu ka qabanayo inta awooda uu u leeyahay.

Sidoo Afhayeen gobolka banaadir ayaa yiri“Roobka waxaa uu caasimada ka da’aa ilaa iyo sagaal bilood oo xiriir ah marka laga reebo afartan iyo shan cisho ee uusan roob da’in hase’ahaatee waxa uu saameyn xooggan ku yeeshay dhammaan gaabihii biyo mareenada caasimada, kuwii hore loo dayactiray iyo kuwii kaleba”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...