Wasaaradda Haweenka oo Tababar ku aadan Ciribtirka Gudniinka Fircooniga maanta ka furtay Muqdisho.

Date:

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka JFS ayaa Maanta tababar ku aadan ciribtirka Gudniinka Fircooniga iyo u qareemida Ansixinta sharciga Gudniinka gabdhaha u qabatay xubno ka socday Maamul-goboleedyada dalka qaar ka mid ah Ururada bulshada iyo xubno ka socdey Wasaaradaha Dowlada Federalka.

Shariif Maxamed Cumar oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada Gudniinka Fircooniga uu gabdhaha u geysto iyo waxa ay shareecadda islaamku ka qabto, waxuuna cadeeyay in gabi ahaanba aysan ogoleyn shareeca Islaamka loona baahanyahay in laga hortago Dhinaca caafimaadkana dhibaato weyn uu u geysto gabdhaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaraadda haweeenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka JFS Xiis Xassan Aadan oo furtay tabarka ayaa sheegtey in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto ka hortaga gudiinka fircooniga iyo ansixinta sharciga gudniinka gabdhaha.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa wada qorsho looga hortagayo qatarka Gudniinka Fircooniga oo sameyn balaaran ku yeeshay nolosha gabdhaha Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...