Saraakiisha Ciidamada Jabuti oo Agab Isborti ku wareejiyay Gudiga ciyaaraha Gobolka Hiiraan+(SAWIRRO).

Date:

Saraakiisha Ciidamada Dalka Jabuuti ee kamid ah howlgala AMISOM ee Gobolka Hiiraan Ayaa Qalab Sports oo dhameeystiran ku wareejiyay xiriirka kubada cagta ee Gobolka iyo kan Degmada Beledweyne si loogu horumariyo ciyaaraha Gobalkaasi.

Munasabad kooban oo lagu wareejinayay agabkaasi sports oo ka kooban qeybo badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamulka Gobolka, Sarakiisha Jabuuti ee AMISOM iyo Ururadda Bulshada ee Gobolka Hiiraan.

Sarakiisha Ciidanka Jabuuti ayaa sheegay in agabkan sports ay ugu talagaleen siddii lagu  hormarin lahaa Ciyaaraha iyo is dhexgalka dhalinyarada Gobolka gaar ahaa Magaalada Beledweyne.

Maamulka Ciyaaraha heer Gobol iyo heer Degmo ayaa ka mahad celiyay agabka sports ee ay Saraakiisha jabuuti ugu deqeen Ciyaaraha Gobolka waxayna sheegeen in waxbadan oo baahiyo Agab ahaa ay dabooli doonta islamarkaana lagu hormarin doono tartanada Ciyaaraha ee Gobolkaasi.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...