Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, ayaaย Kulan muhiim ah maanta layeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Cunada iyo Beerahaa Qaramada Midowbay FAO.
Kulanka ayaa looga hadlay Dardar galinta Qorshayaasha hayโadda Beeraha FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta Xariirka dowladda federaalka.
Sidoo kale kulanka ayaa laysku waydaarsadatay xogo muhiim ah oo dhinaca hormarinta beeraha iyo Cunada waxaana si wanaagsan laysku waafaqay arinkaasi.
Agaasimaha Hayโadda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt ayaa ka mahadceliyay xariirka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, waxaa uuna ballan qaaday in ay fulin doonan goโaanadaย shirka ugu muhiimsan sida wareejintaย xogaha ay aruuriyeen,ย tasoo xoojinayso wada shaqeynta labada dhinac.
Mudane Jamaal Maxamed Xasanย Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya, ayaa dhankiisa tilmaayay in kullankan muhiimad weyn xabaarsanaa, si dowladda Soomaaliya ay kala wareegta xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqeynso tasoo muujinayso Awooda hayโadda Istaatiijida Qaranka.
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa wado daddaalo lagu xoorinayo Hayโadda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaarada aruurinta, keydinta iyo baahinta xoggaha wadanka ee ay wasaaradda doonaysaa in ay kala wareegto hayโadaha xoggaha ka haayo dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.