Sargaal sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Howlgal qorsheysan lagu dilay Gobolka jubada dhexe.

Date:

Taliska Ciidamada Militariga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe waxaa ay ku dileen sarkaalkii Maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha oo ah koox inta badan ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan dalka.

Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska waxay ka fuliyeen deegaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, iyagoona dhamaantooda la toogtay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada kumandooska Soomaaliya.

Sarkaalkan la dailay ayaa waxaa lagu magacaabayay Xasan Sufiyaan Qooreey waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee Maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsan Jabhadaha.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalyahanada ka tirsan maleeshiyaadka Argagaxisada ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...