Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa balan qaaday in lasii xoojin doono horumarinta bilicda Caasimadda+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Madane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu Dalka ka maqnaa, waxaa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Madane Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqo fiican qabtay.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey xubno isugu jira ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Guddoomiyasha Degmooyinka, Agaasimayasha Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Qeybaha Bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee Caasimadda in ay maamulka gobolka Banaadir ku gacansiiyaan waxkaqabashada saameenta Roobka u geesto bilicda Magaalada isagoo balan qaaday in lasii xoojin doono horumarinta bilicda Caasimadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...