Howlgal Miino baaris ah ayay Ciidamada Xooga Dalka kusoo qabteen 3 miino iyo ninkii Aasayay Gobolka Shabeelada Hoose.

Date:

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Howlgal ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Waxayna Howlgalkaasi la sheegay inay ka soo saareen miinooyin dhowr ah oo ay Aaseen Argagaxisada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayay Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen wadada xiriirisa degaanada buufoow bacaad iyo janaale oo hoostaga Degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar xoogga dalka ayaa howlgalka ku soo saaray ilaa Saddex miino iyo mid kamid ah raga miinada Aasayay, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee howlgalkaasi Fulinayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay weli ka wadaan Gobolkaasi howlgallo Miina baaris ah, xilli dhowr jeer oo hore Ciidamada qaraxyo Miino lagula eegtay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...