Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya oo qaabilay dhiggiisa Kenya.

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho Xoghayaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashada wafdigan ka socday Dowlada kenya oo hal maalin ahayd ayaa  waxaa ay kulan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa kulanka kadib sheegay in uu aad uga mahadcelinayo sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyay, wuxuuna intaasi raaciyay waxaan labadeenna dhinac ka wadahadalnay xoojinta xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...