Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya oo qaabilay dhiggiisa Kenya.

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho Xoghayaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashada wafdigan ka socday Dowlada kenya oo hal maalin ahayd ayaa  waxaa ay kulan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa kulanka kadib sheegay in uu aad uga mahadcelinayo sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyay, wuxuuna intaasi raaciyay waxaan labadeenna dhinac ka wadahadalnay xoojinta xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...