Waxaa sii kordhaayo Dilalka muwaadiinta Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Africa.

Date:

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay muwadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa ย waxaa lagu dilay xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, inkastoo Ragii dilka geystay ay goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyada oo aysan u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Weeraradaย  Soomaalida ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana habeen ka hor weerar toreey loo adeegsaday lagu dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xasan Cumar Jaliil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...