Masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayo wasiirka dastuurka XFS.

Date:

Wafdi uu hogaaaminaayo wasiirka Dastuurka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

Wafdiga Wasiirka Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Agaasimayaal iyo Howl-wadeena ka kala tirsan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka KGS.

Wasiirka Wasaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abdiraxiin ayaa Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soodhaweyay Baydhabo.

Soodhaweyn ka dib wafdiga ayaa loo galbiiyay qeybta Nasasha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo halkaas oo si wadajir ah Warbaahinta ugula hadleen Masuuliyiinta labada Dhinac.

Xildhibaan Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye kuxigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka aheyd wafdiga wasiirka ayaa ka hadashey imashahooda Baydhabo waxayna xustay in howlo badan isla dhamistiri doonaa.

Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu horeen ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soodhaweyay wuxuuna ka warbixiyay ujeedada Baydhabo ay isaga iyo wafidiigsa usoo gaareen taasi oo ay tahay dhamestirka qabyo qoraalka Dastuurka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...