Ethiopia oo duulimaadyada diyaaradaha ka xirtay gobolka Tigrey ee dalka Ethiopia,

Date:

Waaxda duulista ee Ethiopia ayaa sheegtay in duulimaadyada diyaaradaha ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha laga xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera oo ah magaalooyinka ugu waawayn gobolka Tigrey oo todobaadkan ay dagaallo ka socdeen, ka dib markii dawladda Federaalka ay iskhilaafeen.

Qoraal kooban oo hay’adda duulista Ethiopia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye yaasha iyo shaqaalaha kale ee duulimaadka arrintan lagu wargaliyay.

Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sababta balse waxay arrintan daba socotaa dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhexmaray ciidamada dawladda Federaalka Ethiopia iyo ciidanka maamulka Tigrey, ka dib khilaaf muddo soo jiitamayey oo ka dhashay doorashadii ay iskood u qabsadeen Tigrey-gu bishii September ee sanadkan, taas oo golayaasha sharciga ee Federaalka Ethiopia ay waxba kama jiraan ku tilmaameen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...