Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in guri loo dhisayo Barakacayaasha ku nool Caasimada+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Axmed oo marti ku ahaa kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahinta qaranka ayaa faah-faahiyay talaabooyinka uu qaaday maamulka gobolka kadib saameyntii uu ay ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.wadooyinka waa weyn ,goobaha biyo xireennada iyo kaamamka barakacayaasha.

Guddoomiye Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in ilaa iyo sedex boqol oo guri oo ay udhanyihiin adeegyada bulshada sida iskuul ,Cisbitaal suuq iyo waxyaabaha kale oo ka mid adeega bulshada looga dhisayo dadka barakacayaasha degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir iyadoo la rarayo qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ku nool gudaha magaalada gaar ahaan goobaha ay biyaha fadhiistaan.

”Waxaa maamulka gobolka banaadir uu diyaariyay qorshe lagu dhisayo ilaa sedex boqol guri nooca filooyinka ah oo laga dhisayo degmada Hilwaa waana kuwa ay u dhameystiran yihiin adeegyadda bulsha gaar ahaan waa xaafada ku ay ku yaalaan iskuulo,Cisbitaalo suuq iyo dhammaan adeega dadweynaha waxaana loogu talagalay kaliya barakacayaasha.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Axmed sidoo kale waxa uu sheegay inay soo diyaariyeen qorshe loogu talagalay goobaha biyaha ay maraan oo ay ku kaceyso ilaa 300 miylan oo lacagta mareykanka fayska ugu horeeyo oo ay qeyb- ka mid bankiga aduunka ka taageeri doono gobolka Banaadir.

“Waxaan soo diyaarinay mashruuc weyn oo lagu dhisayo miyo mareenadda wadooyinka caasimada waxaana ku kacaya ilaa sedex boqol oo milyan lacagta mareykanka hase ahaate wajiga kowaad waxaa qeyb-ka mid ah lacag gaareysa ilaa 37 milyan naga taageerayo world Banki ayuu yiri guddoomiye CUmar Cali Cabdi.

Guddoomiye Cumar Cali Cabdi waxaa kale bulshada ugu baaqay in canshuurta sidii loogu talagalay ay ubixiyaan si kor loogu qaado adeego dadweynaha isla markaana loo kaabo dhammaan adeegyada dadweynaha.

“Shacabka ku nool magaalada muqdisho waxaa laga rabaa inay canshuurta ubixiyaan sidii loogu talagalay si aan kor ugu qaadno adeegyada dadweynaha oo Gobolka banaadir u gaaro isku filnaasho.

Inta la ogyahaya ilaa iyom sedex ruux ayaa ku geeriyootay roobabka ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka mid ahaa dadka danyarta eek u nool degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...