Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo la doortay.

Date:

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle doorasho maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Golaha wakiiladda Hirshabeelle, ayaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle u doortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, kadib markii uu tanaasulay Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame oo ahaa Musharixii la tartamaayey.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa guddoomiye ku-xigeenka labaad u doortay Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo helay 85 cod, halka Xildhibaan Canab Axmed ay heshay 10 cod, halka afar cod ay halaabeen.

Xildhibaanadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa horey u ugu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Xildhibaan C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...