Kulan looga hadlayay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka howlgala xuduudaha dalka oo Muqdisho ka furmay+(SAWIRRO).

Date:

Wada-tashi ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda,wasaaradaha Dekadaha,Maaliyadda,caafimaadka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaana leysku dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan maareynta xuduudaha dalka.

Shirka wada-tashiga ayaa sidoo kale waxaa barbar socday tababar ku saabsan habraaca wada shaqenta hay’adahan, iyadoo la dhisayo Guddi ay ku mideysan yihiin dhinacyada shirk ka qaybgalaya sida uu sheegay C/naasir Xaashi Jimcaale oo ah la taliyaha dhinaca sharciga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda Socaalka iyo Jinsiyadda Xasan Cabduqaadir Maxamed oo furay shirka ayaa ka qayb galayaasha ka codsaday inay shirka ku wadaagaan aragtiyo ku aaddan arrimaha xuduudaha si miradhal uu u noqdo shirka.

“ Waxaan rajeyneynaa shaqooyinkii adkaa ee aad soo qabateen inay guul ku dhamaadaan oo la dhiso Guddigaan waayo dal xuduudihiisa aysan sugneen waad dareemi kartaan inuusan dal ahaaneyn, marka dadaal iyo howl badan ayaa nagala rabaa” ayuu yiri Agaasime Xasan Cabduqaadir.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa horay xafiisyada socdaalka uga hirgalisay inta badan xuduudaha dalka si loola socdo dadka dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay...

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...