Kulan looga hadlayay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka howlgala xuduudaha dalka oo Muqdisho ka furmay+(SAWIRRO).

Date:

Wada-tashi ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda,wasaaradaha Dekadaha,Maaliyadda,caafimaadka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaana leysku dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan maareynta xuduudaha dalka.

Shirka wada-tashiga ayaa sidoo kale waxaa barbar socday tababar ku saabsan habraaca wada shaqenta hay’adahan, iyadoo la dhisayo Guddi ay ku mideysan yihiin dhinacyada shirk ka qaybgalaya sida uu sheegay C/naasir Xaashi Jimcaale oo ah la taliyaha dhinaca sharciga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda Socaalka iyo Jinsiyadda Xasan Cabduqaadir Maxamed oo furay shirka ayaa ka qayb galayaasha ka codsaday inay shirka ku wadaagaan aragtiyo ku aaddan arrimaha xuduudaha si miradhal uu u noqdo shirka.

“ Waxaan rajeyneynaa shaqooyinkii adkaa ee aad soo qabateen inay guul ku dhamaadaan oo la dhiso Guddigaan waayo dal xuduudihiisa aysan sugneen waad dareemi kartaan inuusan dal ahaaneyn, marka dadaal iyo howl badan ayaa nagala rabaa” ayuu yiri Agaasime Xasan Cabduqaadir.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa horay xafiisyada socdaalka uga hirgalisay inta badan xuduudaha dalka si loola socdo dadka dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...