Hay’adda FAO oo sheegtay in ay Jiraan dadaalo wax looga qabanayo Ayaxa saameeyay qeybo ka mid ah konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Date:

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee FAO ayaa sheegtay in uu soconayo dadaal xoog leh oo lagula dagaalamayo ayaxa kaas oo ka jira maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

FAO waxay tilmaantay in wasaarada beeraha ee dowlada federaalka soomaaliya ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii ayaxa loo cirib tiri lahaa.

Shaqaalaha ayaa ku howlan in aanu ayaxu gaarin dhulka beeraha ee koonfurta dalka .

FAO waxay sheegtay in bishii October ayaxa laga buufiyay dhul gaaraya 12,000 hiktar deegaanada Puntland iyo Galmudug

Ayaxan oo FAO ay ku tilmaantay afar malyuun ayaa ka yimi dhanka dalka Yemen waxaana uu ka soo bilaabay soomaaliya gobolada bari ee Puntland .

Ayaxa ayaa hada u jiheystay gobolada bartamaha iyo koonfurta dalka taas halis galin karta dhulka beeraha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...