Hay’adda FAO oo sheegtay in ay Jiraan dadaalo wax looga qabanayo Ayaxa saameeyay qeybo ka mid ah konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Date:

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee FAO ayaa sheegtay in uu soconayo dadaal xoog leh oo lagula dagaalamayo ayaxa kaas oo ka jira maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

FAO waxay tilmaantay in wasaarada beeraha ee dowlada federaalka soomaaliya ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii ayaxa loo cirib tiri lahaa.

Shaqaalaha ayaa ku howlan in aanu ayaxu gaarin dhulka beeraha ee koonfurta dalka .

FAO waxay sheegtay in bishii October ayaxa laga buufiyay dhul gaaraya 12,000 hiktar deegaanada Puntland iyo Galmudug

Ayaxan oo FAO ay ku tilmaantay afar malyuun ayaa ka yimi dhanka dalka Yemen waxaana uu ka soo bilaabay soomaaliya gobolada bari ee Puntland .

Ayaxa ayaa hada u jiheystay gobolada bartamaha iyo koonfurta dalka taas halis galin karta dhulka beeraha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...