Shirka Banbaxa Golaha wasiirrada oo galay maalintii labaad.

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saakay furay Shirka Banbaxa golaha wasiirrada oo maalintii labaad galay.

Shirka oo Qodobo muhiinm ah maanta diirada lagu saari doona ayaa la filayaa in go’aan meel marin ah laga qaato.

Qodobbada ku jira ajandaha Shirka maanta waxaa ka mid ah:

Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Tiirarka Barnaamijka Xukuumadda.

Xiriirka Wada shaqeyneed ee Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Daahfurnaanta iyo Isla xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Ugu Dambeyn Shirka ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la soo gabogabeeyo iyadoona laga soo saari doono Qodobada wax qabadka dowlada boqolka maalin ee soo aadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...