Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo korortay

Date:

Hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Arbaco ah in tirade dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay magaalada Izmir ee Turkiga ay gaartay 114 ruux.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in dadka ku dhaawacmay dhulgariirkii Jimcadii dhacay ay gaarayaan 1,035 qof (kun soddon shan) kuwaas oo 898 ka mid ah ka baxeen isbitaallada halka 137 qof oo kale ay wali ku jiraan isbitaallada kala duwan ee dalkaas.

Hay’adda ayaa sheegtay in wali la wado dadaallada lagu baadi goobayo dad kale, iyadoo lasoo gabagabeeyay howlihii samatabixinta ee ka socday 15-dhismo oo ka mid ah dhismooyinkii waxyeeladu kasoo gaartay dhulgariirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...