Natiijada doorashada madaxtinimada Maraykanka oo goor dhaw la filayo.

Date:

Washington (SONNA)- Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo, waxaana haatan soo baxday natiijada codadka ay shacabka iyo Ergada matalaysa gobollada dalkaasi ay ka dhiibteen doorashada 3-da November 2020.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ah madaxweynaha xilka haya wali iyo Joe Biden musharaxa xisbiga Demoqoraadiga oo madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa mid walba sheegay saacaddii u dambaysay inuu ku horreeyo codadka ilaa hadda la tiriyey.

Codadka electoral college  oo ah 538, ayaa hadda waxaa Biden uu ka helay 238-cod, halka Trump uu helay 213-cod, taas oo muujinaysa inuu Biden horreeyo, waxaana guulaysanaya qofka hela 270-cod.

Trump oo goor dhaw hadlay ayaa xusay inuu guul wayn ka gaaray gobolka Pennsylvania oo leh ahmiyad wayn iyo gobollo kale, uuna gaaray guul wayn, balse ay doonayaan in doorashada la xado, waxaana uu xusay in maxkamadda sare joojin doonto dhammaan tirinta codadka, si looga digtoonaado qaladaad loo bareeray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...