Natiijada doorashada madaxtinimada Maraykanka oo goor dhaw la filayo.

Date:

Washington (SONNA)- Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo, waxaana haatan soo baxday natiijada codadka ay shacabka iyo Ergada matalaysa gobollada dalkaasi ay ka dhiibteen doorashada 3-da November 2020.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ah madaxweynaha xilka haya wali iyo Joe Biden musharaxa xisbiga Demoqoraadiga oo madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa mid walba sheegay saacaddii u dambaysay inuu ku horreeyo codadka ilaa hadda la tiriyey.

Codadka electoral college  oo ah 538, ayaa hadda waxaa Biden uu ka helay 238-cod, halka Trump uu helay 213-cod, taas oo muujinaysa inuu Biden horreeyo, waxaana guulaysanaya qofka hela 270-cod.

Trump oo goor dhaw hadlay ayaa xusay inuu guul wayn ka gaaray gobolka Pennsylvania oo leh ahmiyad wayn iyo gobollo kale, uuna gaaray guul wayn, balse ay doonayaan in doorashada la xado, waxaana uu xusay in maxkamadda sare joojin doonto dhammaan tirinta codadka, si looga digtoonaado qaladaad loo bareeray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...