Ilhan Cumar iyo 3 kale oo Soomaali ah oo guulo ka gaaray doorashada Mareykanka.

Date:

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

Musharaxiin kale oo Soomaali ah una tartamayay kuraasta golaha deegaanka ee gobolka Minnesota ayaa sidoo kale guulo ka gaaray doorashadii shalay.

Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursigeeda koongareeska Mareykanka waxeyna markii labaad ka mid noqoneysaa senator ka tirsan dalkaas.

Cumar Faatax ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay eek amid noqda aqalka sare ee gobolka Minnesota,wuxuuna ka guuleystay musharaxiin badan oo ka soo horjeeday.

Hodon Xasan iyo Maxamed Nuur ayaa iyana ku guuleystay kamid noqoshada aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Tirinta doorashada Madaxweyne-nimada dalka Mareykanka ayaa weli socta waxaana xilal kala duwan ku guuleystay Soomaali badan oo ku nool dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...