Maamulka gobolka Banaadir oo shir deg deg ah ka yeeshay Saameynta Roobabka+(SAWIRRO)+(MUUQAAL).

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyay roobabkii ka daโ€™ay caasimada kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isu socodka Magaalada iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ku simaha Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan kuxigeenada Howlaha guud iyo Bulshada ayaa warbixin la xariirta Xaalada Roobka ka dhageytay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.

Warbixinada ka dib ayaa loo sheegay in juhdi badan lagu bixiyo la tacaalida xaaladaha deg deg ah ee ay sababaan roobabka.

Dhanka kale Maamulka ayaa balan qaaday in ay gurmad u fidin doonaan dadka shacabka ah ee ay waxyeelada ka soo gaartay Roobabka waxaana sidoo kale Ganacsatada Dalka loogu baaqay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka Shacabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Ajandaha Shirka waxuuna tilmaamay in shirku ahaa mid deg deg ah islamarkaana looga hadlay wax ka qabashada Xaalada Roobabku uu ka geysteen Gobolka iyo gurmadka loo fidinayo Dadka uu saameeyay dhinaca nolosha.

Ugu dambeyn waxaa uu maamulka sheegay in loo diyaar garoobayo roobabka xiga ee laga yaabo in ay daโ€™aan si loo yareeyo saameynta faraha badan ee uu geysan karo.

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA Warka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...