Waddada xariirisa Isgoosyada 4-Darjiino iyo Towfiiq oo dib u dhis lagu sameynayo+Sawirro

Date:

Ku-simaha Guddoomiyha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iiman iyo ku-xigeenka Howlaha Guuud ee Gobalka Banaadir Mudane Cumar Cali Cabdi iyo Guddoomiyha Degmada Yaaqshiid Muuse Geesay ayaa maanta waxa ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Waddada xariirisa Isgoosyada 4 Darjiino iyo Towfiiq ee Degmada Yaaqshid, kaas oo laami lasarayo.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in dib u dhis lagu sameeyo waddooyinka caasimadda, gaar ahaan kuwa bur bursan ee u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Gobolka Banaadir dhagax dhigay Waddada ka soo baxda Ex-shabeelle, si loogu sameeyo dib u dhis casri ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu...

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...