Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska dhisamaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta,+SAWIRO+MUUQAAL.

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaallada.

Mudane Mahdi ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.

“Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”.

Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.

Halkan ka DAAWO muuqaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...