Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa tababar u furay Garsoorayaal iyo Tababarayaaal ka socda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,+(SAWIRRO) (MUUQAAL).

Date:

Tababarkan oo wajigiisa saddexaad la siinayo Macalimiinta Garsoorka Dalka ayaa waxaa ka qayb galaya Garsoorayaal heer Federaal heer, Dowlad Goboleed iyo kale Xeer ilaaliyeyaal ka kala yimid dhammaan Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waaxana Furay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Tababarkaan oo muddo 10 maalin ah socon doono ayaa waxaa lagu baranaya casharo ku saabsan hanaanka dhageysiga dacwadda Maxkamaddaha, Qaadida Qiraalka iyo maamulka waxaa bixinaayey Macalimiin ku sugan Dalka Dibaddiisa iyaddo la adeegsanaayey Aaladda Fogaan Arragga ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka mudane Baashe Yuusuf Ahmed oo tababarka Furay ayaa sheegay in ujeedka tababarkaani uu yahay siddii loo horumarin lahaa Garsoorka Dalka iyaddoo la gaarsiinayo heer isku filnaansho ah.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Ahmed Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Dalka ayaa kula dardaarmay Garsoorayaashii tababarka ka qaybgaliyey inay ka faa’idaystaan casharadda si ay ugu mid noqdaan macalimiinta Garsoorka Dalka.

Muuqaalka Warkan Halkan ka DAAWO.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray Dalka Ciraaq

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...