Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeeray fariisimada Ciidanka amniga Gaalkacyo+Sawirro.

Date:

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo kormeero shaqo ku marayeen deegaanno ka tirsan galmudug ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliiska degmada galkacyo ee galmudug iyo kontoraalada amniga ee magaalada galkacyo qaarkood.

kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka maadaama Galkacyo ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada.

Doorashooyinka xubnaha xildhaabannada soo socda ee deegaanadda Galmudug ayaa lagu qaban doonaan Galkacyo.waxaana taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno la xariira howalaha shaqo ka dhageysatay Saraakiisha ciidanka booliska galmudug ee ku sugnaa saldhigyada iyo baraha koontorool magaalada galkacyo.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ka mid aha saraakiisha uu hogaaminayay taliyaha ciidanka booliska ayaa kormeerka kadib warbaahinta la wadaagay kormeerka ay ku tageen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...