Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan lagu soo bandhigayay miisaaniyadda dowladda ee 2020/21 “SAWIRRO.

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyay kulan Wasaarada Maaliyaddu ay Wasiirrada cusub ee Xukuumadda ugu soo bandhigeysay miisaaniyadda dowladda ee 2020/21.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa waxa ay maanta golaha Wasiirada cusub uga warbixiyeen miisaaniyadda dowladda ee 2020/21.

“Maanta waxa aan Wasiirada cusub ee Xukumadda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay, muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare u qaadidda Dakhliga Gudaha Dalka”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumadda mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo kulanka shir guddoominayay iyo Wasiiradii fikir iyo talaba la wadaagay Madaxda Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Madaxda Wasaradda ku booriyay inay dar dargeliyaan sare u qaadidda dakhliga gudaha.

 

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...