Wasiirka arrimaha gudaha oo qado sharaf u sameeyay saraakiisha Booliiska+sawirro.

Date:

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dib u heshiisiinta (S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax) ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Qadada ayaa ka dhacday Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska ee S/Guuto Maxamed Abshir Muuse, Iyada oo Saraakiishu ay Xarunta ku Soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay la socdeen Wasiirada Amniga Gudaha (Mudane, Xasan Xundubeey) iyo Cadaalada G/Sare Cabdulkadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Gudoomiyaha Xarunta Barbaarinta S/Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ugu horay hadal ka qaatay, ayaa ku Soo dhaweeyay waftiga oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano, iyada oo loo mahadciyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo lahaa hal-abuurka iyo fulinta dhagaxdhiga Xaruntaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska oo isna joobta joogay ayaa Soo dhaweeyay, una mahadceliyay Wasiirka. Intaa kadib, ayeey carruurtu Soo bandhigeen fankooda, waxaana markiiba loo dhaqaaqay in waftiga lagu Soo warejiyo qeybaha, hooyga, waxbarashada iyo dhamaan laamaha haqab tirka Xarunta Barbaarinta caruurta.

Ugu danbeyn Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa goobta ka balanqaaday dhismeyaal ay jeebkooda ka bixinayaan oo si mutadawacnimo ah loogu kordhinayo Xarunta, Sida dhisme guryo iyo qeybo kale oo mihiim ah.

                    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...