Xoogga dalka oo dilay horjooge sare oo argagaxiso ah.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo argagixisada Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha baadda ah, iyagoo sidoo kalana soo saaray miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf...

40-sanno ka dib Sarkaal Soomaali ah oo ka qalin-jabiyay Akademiyada Ciidanka UK

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka...

Ciidanka NISA oo cashar u dhigay Khawaarijtii weerartay Godka Jilacow

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Hay’adda NISA...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxames...