Togag samaysma xilli roobaadka oo dhibaato ku haya deegaanno hoos yimaada Xudur.

Date:

Sanadadii la soo dhaafay Dooxyo ka samaysmay agagaarka wadada aadda dhanka waqooyi ee magaalada Xuddur ayaa si joogto ah daadad ku soo rogmaday saamayn wayn ugu yeesheen dhaq dhaqaaga ganacsiga, tacbashada beeraha, isu socodka gaadiidka iyo dadwaynaha bulshada ku nool xaafada Buulow.

Saamaynta xilliga togagga daadadka soo fatahaan waxa aad looga dareeymayaa maciishada cuntada quutul daruuriga oo cirka isku shareerta, beeralayda qudaarta beerata oo daadadka kala tagaan, inka badan saddex kun oo qoys oo daggan xaafada Buulow oo guryahooda kabarakacay iyo cuduro ka dhasha biyaha.

Qaar  ka mid ah beeralayda ganacsatada barakacayaasha dadka daggan xaafada Buulow iyo bulshada inteeda kale ayaa maamulka gobolka Bakool ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku qabaan roobabka daadadka wata ee beerahooda dhibaatada u gaysta.

Maamulka gobolka Bakool iyo kan deagmada Xuddur oo ka duulaya codsiga bulshada iyo caqabadaha jira ayaa kormeer ku tagay boholaha biyaha keena oo xiligaan aad looga cabsiqabo in biyo bax sameeyaan, waxayna baaq u direen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyaasha in ay gacan ka siiyaan sidii biyahaan xal loogu raadin lahaa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...