Togag samaysma xilli roobaadka oo dhibaato ku haya deegaanno hoos yimaada Xudur.

Date:

Sanadadii la soo dhaafay Dooxyo ka samaysmay agagaarka wadada aadda dhanka waqooyi ee magaalada Xuddur ayaa si joogto ah daadad ku soo rogmaday saamayn wayn ugu yeesheen dhaq dhaqaaga ganacsiga, tacbashada beeraha, isu socodka gaadiidka iyo dadwaynaha bulshada ku nool xaafada Buulow.

Saamaynta xilliga togagga daadadka soo fatahaan waxa aad looga dareeymayaa maciishada cuntada quutul daruuriga oo cirka isku shareerta, beeralayda qudaarta beerata oo daadadka kala tagaan, inka badan saddex kun oo qoys oo daggan xaafada Buulow oo guryahooda kabarakacay iyo cuduro ka dhasha biyaha.

Qaar  ka mid ah beeralayda ganacsatada barakacayaasha dadka daggan xaafada Buulow iyo bulshada inteeda kale ayaa maamulka gobolka Bakool ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku qabaan roobabka daadadka wata ee beerahooda dhibaatada u gaysta.

Maamulka gobolka Bakool iyo kan deagmada Xuddur oo ka duulaya codsiga bulshada iyo caqabadaha jira ayaa kormeer ku tagay boholaha biyaha keena oo xiligaan aad looga cabsiqabo in biyo bax sameeyaan, waxayna baaq u direen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyaasha in ay gacan ka siiyaan sidii biyahaan xal loogu raadin lahaa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...