Ra’iisal-wasaare Rooble oo kormeeray qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada dowladda, si uu ugu kuurgalo adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadwaynaha.

Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...