Guddoomiyaha golaha Shacbiga oo ku booqday Isbitaalka Ordagan gabar bukaan ah.

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabiga BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa xalay Ispitaalka Ordogan ee Muqdisho ku booqday Ayaan Nuur Cali oo horraantii todobaadkan laga keenay tuulada xiin dheere oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,

Ayaan Nuur Cali ayaa  dhaawac culus oo gubasha ah uu ka soo gaaray qaybta kore ee jirkeeda  (Wajiga) waxaana ay sababsatay dab ay cunno ku karinaysay, iyada oo ahayd qof leh cudur qabatin ah xilliyadda qaar,

Gudoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman wuxuu damaanad qaaday dhammaan kharashaadka caafimaad ee ku baxaya Ayaan Nuur Cali, waxaana maanta oo Axad ah  loo qaadi doonaa dalka Turkiga si ay u hesho daryeel dheeraad ah.

Ayaan Nuur Cali iyo laba ka mid ah qoyskeeda ayaa ku wehlin doona safarka caafimaadka ee Turkiga loogu qaado, waxaana gudoomiye Mursal u rajeeyay in iyada oo caafimaad qabta ay dalka dib ugu soo noqoto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...