Guddoomiyaha golaha Shacbiga oo ku booqday Isbitaalka Ordagan gabar bukaan ah.

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabiga BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa xalay Ispitaalka Ordogan ee Muqdisho ku booqday Ayaan Nuur Cali oo horraantii todobaadkan laga keenay tuulada xiin dheere oo hoos tagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,

Ayaan Nuur Cali ayaa  dhaawac culus oo gubasha ah uu ka soo gaaray qaybta kore ee jirkeeda  (Wajiga) waxaana ay sababsatay dab ay cunno ku karinaysay, iyada oo ahayd qof leh cudur qabatin ah xilliyadda qaar,

Gudoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman wuxuu damaanad qaaday dhammaan kharashaadka caafimaad ee ku baxaya Ayaan Nuur Cali, waxaana maanta oo Axad ah  loo qaadi doonaa dalka Turkiga si ay u hesho daryeel dheeraad ah.

Ayaan Nuur Cali iyo laba ka mid ah qoyskeeda ayaa ku wehlin doona safarka caafimaadka ee Turkiga loogu qaado, waxaana gudoomiye Mursal u rajeeyay in iyada oo caafimaad qabta ay dalka dib ugu soo noqoto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....