Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geerida Cali Khaliif Galayr.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh ee ku timid Ra’iisulwaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida.

Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyskiisa, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka, waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyey geerida Cali Khaliif oo ahaa mas’uul taariikh dheer ku leh dalka ayaa Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii KMG ahayd ee Carta intii u dhaxaysay 8 October 2000 – 28 October 2001, waxaana sidoo kale uu soo qabtay xilal kala duwan oo dawladeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...