Kiisas hor leh oo Coronavirus ah oo laga helay gobollo ka mid ah dalka.

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanno ka tirsan dalka.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay.

Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaannada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 157 qof uu ku dhacay COVID-19.

Sidoo kale Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in deegaannada maamulka Somaliland laga helay 20 qof, halka G/Banaadir laga helay 2 ruux iyo deegaanada Galmudug oo laga diiwaan-galiyay 1 qof, waxaana dhammaan 157 ee laga helay Cudur rag ah 98, halka 59 ay yihiin dumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...