Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug.
Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay illaa iyo hadda la diiwangeliyay hal kiis.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii lasoo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal ah oo looga hortagayo.