Malleeshiyaad Suuriyaan ah oo lagu eedeeyay in ay ku biireen dagaalka Azerbaijan & Armenia.

Date:

Heyad kor kala socota colaadda ka oogan Suuriya iyo hoggaamiye ka tirsan mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaridka Dowlada Suuriya oo laga diray dalka Turkiga ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia, si ay gacan u siiyaan ciidamada Azerbaijan.

Heyadda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa Talaadadi sheegtay in ciidan ka badan 300 la geeyay Azerbaijan oo xulafo dhaw muddo dheer ah la ahaa Turkiga.

Ziad Hajj Obeid, oo ka mid ah taliyaasha xoogga mucaaradka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq u xaqiijiyay ciidamdaasi. Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa labaduba beeniyay ciidamadaasi.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo maanta galay maalinti afraad, ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah. Labada waddan ayaa isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan hase yeeshee dadka dagani ay kasoo jeedaan Armenia.

isha VOA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...