Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo socdaal ku maraya dalalka Aljeria, Maroco iyo Tunis.

Date:

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa maanta oo Arbaca ah billaabaya socdaal uu ku maraayo waddamada kala ah Aljeeriya, Tuunis iyo Maroco.
Inta lagu guda jiro booqashadiisa, Esper wuxuu madaxda dalalkas kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskashiga kala dhaxeeya waddamadaas iyo la dagaalanka ururada argagixisada.

Esper wuxuu socdaalkiisa ka billaabi doonaa dalka Tunis isaga oo la kulmi doona Madaxwaynaha dalkaas Qays Saciid. Esper ayaa Tunis kadib u socdaali doona Aljeria isaga oo la kulmi doona madaxda dalkaas gaar ahaan Taliyaasha ciidamada.
Esper ayaa noqon doona xoghayihii difaaca Maraykanka ugu horreeyay ee booqda Aljeria muddo 15 sano ah.

Xoghayaha Mareykanka wuxuu booqashadiisa ku soo gabagabeyn doonaa maalinta Jimcaha ah dalka Maroco, isaga oo madaxada dalkaas kala hadli doona sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir adag oo xagga amniga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...