Xuska 29-ka September ee ka hortagga khasaaraha ama dayaca ku yimaada cuntada.

Date:

Qaar ka mid ah hey’adha Qaramada Midoobay iyo Dalalka Dunida ayaa manta u dabbaaldegay xuska 29-ka Setembar ee maalinta Caalamiga  ah ee ka hortaggga lumidda ama khasaaraha ku yimaada cuntada aan la isticmaalin ee isu bedesha qashinka.

Sababaha ugu waawayn ee lumiya  cuntada ee Afrika waa la’aanta qalab qaboojiya miraha dalagyada iyo kuwa loo isticmaalo qallajinta iyo xirfadaha wax-soo-saarka beeraha oo aan ku filnayn bulshooyinka beeralayda yaryar.

Hey’adda FAO waxay fududeysaa xuska maalinta adduunka ee wacyigelinta khasaaraha iyo wasakhda cuntada, iyadoo la kaashaneysa Barnaamijka Deegaanka ee UN (UNEP),WFP iyo kuwo kale,waxaana sanad kasta dalalka ka gooseeya Sab Saxaraga ku luma 4-bilyan oo doolar oo ah cuntada khasaarta.

Xuskaan aawadeed,waxaa baaq loo diray madaxda dalalka Afrika si ay u xoojiyaan dadaalladooda, una dhiirrigeliyaan maalgashiyada shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo yareeyo khasaaraha cuntada iyo qashinka.

Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa sanadka 2019 soo saaray bayaan loogu magac daray Maalinta Caalamiga ah ee Ogaanshaha Cunnada khasaarta ee aysan isticmaalin dadka iyo warshadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...