Safiirka Soomaaliya ee Sudan iyo dhiggiisa Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Date:

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Sudan Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay Danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Sudan  haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.
“Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Suudaan, Therese Loken Gheil,waxaana ku faraxsanahay in ay soo booqato safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,waxaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq.
Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...