Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Gaalkacyo+sawirro.

Date:

Madaxweynaha dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug, waxaana safarkiisa Gaalkacyo uu la xiriiraa kormeerka hawlaha maamulka iyo wadatashi uu la yeelanayo qaybaha bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tababar u soo xiri doona qayb ka mid ah daraawiishta Galmudug oo bilihii la soo dhaafay loo carbinayey inay ku biiraan qaybtii ugu horraysay ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...